skip to content
Primary navigation

Caymis ku Jir

Ka soo warbixi isbedelada ama sixitaanada

Akoonkaagu ha cusboonaysiisnaado - isla markaaba ka soo warbixi isbedelada

Waa muhiim inaad cusboonaysiiso akoonkaaga MNsure haddii mid ka mid ah macluumaadka qoyskaagu uu isbedelo. Taas waxaa ka mid noqon kara ciwaanka cusub, isbeddelka dakhligaaga ama isbeddelka tirada qoyskaaga. Waa tan sababtu:

  • Si markaa ogeysiisyada iyo foomamka lagu soo diro cinwaanka saxda ah.
  • Qadarka kaalmada dhaqaale ee aad u qalanto ayaa kor u kici karta ama hoos u dhici karta.
  • Waxaad u qalmi kartaa inaad bedesho qorshayaasha caymis.
  • Qorshahaaga caymisku waxaa laga yaabaa inaan la heli karin haddii aad u guurtay meel kale.

Goorta iyo sida loo soo sheego isbeddeladu waxay ku xiran tahay haddii aad leedahay caymis gaar ah, caymiska barnaamijka dadweynaha iyada oo loo sii marayo Medical Assistance ama MinnesotaCare, ama labadaba:

Caymiska Gaarka loo leeyahay

Ka wac MNsure 651-539-2099 ama 855-366-7873 si aad u hesho caawimo luuqadaada ah. Ka wac MNsure 651-539-2099 ama 855-366-7873 si aad u hesho caawimo luuqadaada ah.

Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare

  • Haddii qof kasta qoyskaaga uu helo MinnesotaCare, ka wac Khadka Macluumaadka ee MinnesotaCare 651-297-3862 ama 800-657-3672.
  • Haddii qof qoyskaaga ka tirsan uu haysto Gargaarka Caafimaadka, wac xafiiska degmadaada ama qabaa'ilka.

Labadaba

Haddii qoyskaagu haysto caymiska caafimaadka barnaamijka gaar loo leeyahay iyo kuwa dawlada, ka wac MNsure 651-539-2099 ama 855-366-7873 si aad caawimo luqadaada ugu hesho.

Cusboonaysii Caymiska

Goorta aad dib u cusbooneysiin karto caymiskaaga aad haysato hadda ayaa waxay ku xiran tahay nooca caymiska aad haysato:

Cusboonaysii Caymiska Gaarka loo Leeyahay

Cusbooneysiinta caymiska gaarka loo leeyahay waxay dhacdaa hal mar sanadkii inta lagu jiro xilliga isdiiwaangelinta furan. Isha ku hay boostadaada, waxaa lagugu soo wargelin doonaa tillaabooyinka aad qaadi doonto si aad u cusboonaysiiso caymiskaaga sanadka soo socda.

Cusbooneysii Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare

Haddii aad haysato caymiska Medical Assistance ama MinnesotaCare, Waaxda Adeegyada Aadanuhu (DHS) waa inay dib u go'aamisaa u qalmitaankaaga sannadkiiba mar si loo eego inaad weli u qalanto caymiska daryeelka caafimaadka. Habka howshan waxa loo yaqaanaa cusboonaysiinta.

Booqo websaydka DHS wixii macluumaad ah ee ku saabsan sida loo cusboonaysiiyo.

Caymis noocee ah ayaan haystaa? 

Gargaarka Caafimaadku (Medical Assistance) waxay caymis siisaa dadka reer Minnesota ee dakhligoodu hooseeyo, oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka uurka leh, iyo sidoo kale dadka naafada ah. Haddii aad hadda haysato Gargaarka Caafimaadka, ma bixinaysid khidmad bishii ah. Waxa laga yaabaa inaad bixiso qayb-bixin yar oo adeegyada qaar ah, inta badan u dhaxaysa $1 iyo $3.

MinnesotaCare waxay caymis siisaa dadka reer Minnesota ee dakhligoodu hooseeyo ee aan u qalmin Gargaarka Caafimaadka. Haddii aad hadda haysato MinnesotaCare, waxa laga yaabaa in aad bixinayso khidmad bille ah oo ku salaysan dakhligaaga iyo tirada qoyskaaga.

Medical Assistance (Gargaarka Caafimaadka) iyo MinnesotaCare waa caymiska caafimaadka oo bilaashka ah iyo kuwa qiimo jaban oo loogu talagalay reer Minnesota. Waa barnaamijyo dadweyne oo ay maamusho Waaxda Adeegyada Aadanaha (ama DHS).

Si aad u aragto in aad hadda ku jirto mid ka mid ah barnaamijyadan, fiiri xagga sare ee kaarka aqoonsiga xubinimada. Waa inay ku qorantahay “Minnesota Health Care Programs.” ("Barnaamijyada Daryeelka Caafimaadka Minnesota.")

Caymiska gaarka ah waa caymis caafimaad oo ay bixiyaan shirkadaha caymisku. Haddii aad hadda haysato caymis gaar ah, waxa ay u badan tahay in aad bixiso khidmad bille ah. Waxa kale oo laga yaabaa inaad la shaqaysay dilaal caymis si aad u doorato qorshe caymis, waxaana laga yaabaa inaad dooratay qorshe leh heerka birta ah sida "bronze," "Silver," ama "gold."

back to top