skip to content
Primary navigation

Waa maxay MNsure?

MNsure waa goob suuq oo ay dadka reer Minnesota ka adeegan karaan, isku barbardhigi karaan meelaha kale ayna ka dooran karaan kaalmo caymis caafimaad oo baahidooda daboosha.

Dhammaan qorsheyaasha MNsure waxaa ku jira kaalmada muhiimka u ah manfacyada caafimaadka sida isbitaal gelidda, adeegyada degdegga ah, dhalmada iyo daryeelka ilmaha dhashay, daawo qorista, booqashooyinka ka hortagga iyo wacnaanta, caafimaadka dhimirka iyo daryeelka aragga dhallaanka.

Qorsheyaasha MNsure waxaa sidoo kale la socda difaaca macaamiisha. Adiga ma laguu diidi karo kaalmo xaalad caafimaad xumo awgeed oo horey u sii jirtay, lagaagamana qaadi karayo lacagta caymiska oo sareysa taariikhda caafimaadkaaga awgeed. Ma jiraan xaddi doollar sannadle ama inta nolosha ka hartay oo caymis ah.

back to top