skip to content
Primary navigation

Hel Caawimo Bilaash ah

Khabiirada MNsure (“caawiyayaal”) ayaa diyaar u ah inay ku caawiyaan!

Soo wac 651-539-2099 ama 855-366-7873 si aad u hesho caawimo luuqadaada ah ama si aad u hesho macluumaadka xiriirka caawiye MNsure-aqoonsantahay oo ku hadla afkaaga.

Waa maxay sababta aan u isticmaalo caawiye?

La shaqaynta caawiyaha (hagaha ama dillaalka) ayaa waxay kaa caawin kartaa fududaynta habka buuxinta arjiga iyo isu diiwaangelinta qorshaha. Caawiyeyaashu way yaqaaniin habka waxayna kugu hagi karaan dhammaan tallaabooyinka.

Haddii aad bixiso ogolaansho rasmi ah, caawiyaha ayaa buuxin kara oo kuu diri kara codsigaaga. Waxay sidoo kale kaa caawin karaan inaad soo iibsatid qorshe caymis, in aad codsato wixii canshuur ugu celin ah oo laga yaabo inaad u qalanto, oo ay kugu diiwaangaliyaan qorshe caymis.

Adiga ayaa weli mas'uul ka ah ka jawaabista ogeysiis kasta oo aad hesho iyo bixinta khidmadaha billaha ah ee laga yaabo in lagaa rabo si loo bilaabo ama loo sii wado caymiskaaga.

Miyaan Isticmaalaa Hage ama dillaal?

Caawimo ka timaada Hagaha (Navigator)

Hageyaasha ay shahaadaysay MNsure waa khabiiro tababaran oo ka socda ururada bulshada ee maxaliga ah, oo aamin ah. Waxaad isticmaali kartaa hagaha si uu kaaga caawiyo buuxinta arjigaaga oo uu kuu diiwaangeliyo caymiska. Waxay sidoo kale kaa caawin karaan cusboonaysiinta caymiska, ka warbixinta isbeddelada akoonkaaga iyo in ay kuu sameeyaan daba-galka diiwaangelinta.

Hageyaashu waxay ku takhasuseen u diiwaangelinta Gargaarka Caafimaadka iyo MinnesotaCare dadka Minnesota ee dakhligoodu hooseeyo. Hageyaasha ayaa kaa caawin kara inaad isu diiwaangeliso qorshaha caymiska gaarka loo leeyahay oo ay ku baraan aqoonta caymiska ee aasaasiga ah, laakiin kuma siin karaan talo ku saabsan qaadashada qorshe caymis gaar loo leeyahay, taas oo ay dillaaliinta awoodaan.

Qaar ka mid ah hageyaasha ayaa loo shahaadeeyey in ay caawiyaan shakhsiyaadka in ay codsadaan barnaamijka kaalmada insuliinta (daawada sonkorowga).

Adeegyada ay bixiyaan hageyaasha ay shahaadaysay MNsure had iyo jeer waa bilaash

Fiiri khariidada (PDF) si aad u hesho hay'ad u adeegta deegaankaaga.

Caawimo ka timaada Dillaalada

Dillaaliintu waa xirfadlayaal caymis oo shati ka haysta gobolka Minnesota oo ay shahaadaysay MNsure kuwaas oo bixiya caawinta diiwaangelinta oo kugula talin kara qorshayaasha.

Dillaaliinta MNsure shahaadaysay waxay kaa caawinayaan inaad fahamto fursadaha caymintaada waxayna ku siin karaan talo ku saabsan xulashada qorshe caymis oo sida ugu wanaagsan u daboolaya baahiyahaaga. Waxay kugu caawin karaan iyagoo shaqsi ahaan kuula jooga ama taleefan.

Shirkadaha caymiska caafimaadku waxay inta badan lacag ku siiyaan dillaaliinta in ay dadka u diwaangeliyaan qorshayaasha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay. Dillaaliinta qaarkood waxa laga yaabaa inay iibiyaan qorshayaasha shirkado caymis caafimaad oo cayiman.

Adeegyada ay bixiyaan inta badan dillaaliinta ay shahaadaysay MNsure waa bilaash. Dillaaliintu waa inay hore kuugu sheegaan haddii ay lacag kugu soo dallici doonaan, iyo inta ay tahay.

Xarumaha Diiwaangelinta ee Dillaalka: Xarumaha diiwaangelintu waa meelo habboon, meel la iska iman karo halkaas oo aad ka heli karto caawimo lacag la'aan ah oo ay ku siiyaan dilaaliin ay shahaadaysay MNsure.

Fiiri khariidadda (PDF) xarumaha dilaaliinta diiwaangelinta ee MNsure.

back to top