skip to content
Primary navigation

4. Isdiiwaangeli

Kadib marka aad soo dirto arjigaaga MNsure, waxaad heli doontaa "go'aanka u qalmitaanka" ee qoyskaaga. Tani waxay kuu sheegi doontaa:

  1. Haddii aad xaq u leedahay inaad iska diiwaangeliso caymiska caafimaadka oo aad u marayso MNsure.
  2. Haddii aad u qalanto caymiska caafimaadka iyada oo loo marayo Gargaarka Caafimaadka (Medical Assistance) ama MinnesotaCare ama haddii aad xaq u leedahay inaad isU diiwaangeliso qorshe caymis caafimaad oo gaar loo leeyahay.

Haddii aad u qalanto Qorshaha Caymiska Caafimaadka Gaarka loo leeyahay

  1. Waxaad ka iibsan kartaa qorshayaasha caymiska caafimaadka khadka internetka si aad u hesho mid ku habboon baahiyahaaga oo aad isugu diiwaangeliso. Soo wac 651-539-2099 ama 855-366-7873 si aad u hesho caawimo luuqadaada ah ama si aad u hesho macluumaadka xiriirka caawiye MNsure-aqoonsantahay oo ku hadla afkaaga.
  2. Marka aad isu diiwaangeliso qorshe caafimaad oo gaar ah, shirkaddaada caymisku waxay kuu soo diri doontaa macluumaadka ku saabsan nacfiyadaada, sida iyo goorta aad bixinayso lacag khidmada caymiska ee billaha ah, iyo sida loo helo daryeel caafimaad.
  3. Waa inaad ku bixiso khidmadaha bisha ugu horreysa taariikhda kama dambaysta ah ee ay ku siiso shirkaddaada caymisku. Haddii aadan si buuxda u bixinin lacagta khidmada billaha ah ee caymiska wakhtiga kama dambaysta ah, caymiskaagu wuu dhammaan karaa.

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan waxa ku jira qorshahaaga caymiska, la xiriir shirkaddaada caymiska.

Sida ugu Dhakhsaha Badan ee suurtogalka ah u soo Sheeg Isbedelada

Haddii aad isu diiwaangeliso qorshe caymis caafimaad oo gaar loo leeyahay, waa muhiim inaad xogta akoonkaaga MNsure ay cusboonaysiisantahay MNsure u soo sheeg isbeddelka ku yimaada cinwaanka, dakhliga iyo qoyska sida ugu dhakhsaha badan.

Haddii aad u qalanto Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare

  1. Waxaad sugi doontaa inaad boostada ku hesho macluumaadka ku saabsan doorashooyinkaaga qorshaha caymiska oo kaaga yimaada Waaxda Adeegyada Aadanaha, degmadaada, ama hay'adda qabaa'ilka.

Sida ugu Dhakhsaha Badan ee suurtogalka ah u soo Sheeg Isbedelada

Haddii aad iska diiwaan geliso barnaamij dadweyne (Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare), waxaa muhiim ah in aad ilaaliso in xogta xubinnimadaadu ay cusboonaysiisantahay. U soo sheeg isbeddelka ciwaanka, dakhliga iyo qoyska sida ugu dhakhsaha badan Waaxda Adeegyada Aadanaha, degmadaada, ama hay'adda qabaa'ilka.

back to top