skip to content
Primary navigation

Sida Loo Helo Caymis Cusub

Xilliga isdiiwaangelinta gaarka ah (SEP) ayaa diyaar u ah dadka aan mardambe u qalmin Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare. Tani waxay kuu tahay fursad aad isugu diiwaangeliso caymis caafimaad oo gaar loo leeyahay, waana inaad sida ugu dhakhso badan u samayso.

  1. Akhri ogeysiiska ay MNsure kuugu soo dirtay boostada oo ay kuugu sheegayso inaad u qalanto xilligan diiwaangelinta khaaska ah oo aad u qalanto inaad iibsato qorshe caymis caafimaad oo gaar loo leeyahay (sidoo kale loo yaqaan qorshe caafimaad oo u qalma)
    Ciwaanka ogaysiisku waa "Don't risk a gap in your health insurance: Take action today to get coverage in 2024." ("Ha galin halis in uu kaa kala joogsado caymiskaaga caafimaadku: Talaabo qaad maanta si aad u hesho caymis 2024.")
    Haddii uu ogaysiiskaagu kaa lumo, ka wac Xarunta Xiriirka MNsure (MNsure Contact Center) 651-539-2099 (855-366-7873 meelaha ka baxsan Magaalooyinka Mataanaha ah).
  2. Raac tilmaamaha ku qoran ogeysiiskaaga. Waxay kuu sheegaysaa tallaabooyinka aad qaadayso si aad isaga diwaangeliso khadka internetka inta lagu jiro xilliga diiwaangelinta khaaska ah.
  3. Waa inaad doorato qorshe caysmis ugu dambayn wakhtiga kama dambaysta ah ee ku qoran ogeysiiskaaga.
back to top